DEG DEG: Masuuliyiin Ka Tirsan Machadka Shaqaalaha Dawladda Oo Tababar Hoggaamineed Ku Soo Qaatay Jigjiga

0
Monday April 27, 2026 - 15:10:01 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Masuuliyiin Ka Tirsan Machadka Shaqaalaha Dawladda Oo Tababar Hoggaamineed Ku Soo Qaatay Jigjiga

    Tababarkan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono kobcinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababarkan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono kobcinta



Masuuliyiin ka tirsan Machadka Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa ka qayb galay tababar ku saabsan hoggaaminta, kaas oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Jigjiga, isla markaana si rasmi ah loo soo gabagabeeyey.


 

Tababarkan oo loo qabtay daneeyeyaasha waxbarashada ee qaar ka mid ah waddamada Geeska Afrika, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xirfadaha hoggaaminta iyo kor u qaadista tayada maamulka hay’adaha.



 

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa tababarkan ku matalay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Mahad Mohamed Sheekh Cabdi, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada, Cabdalla Maxamuud Axmed Hirad, iyo Agaasimaha Waaxda Cilmi-baarista iyo Maamulka Aqoonta, Cabdifataax Axmed Hurre.


 

Tababarkan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono kobcinta aqoonta iyo xirfadaha masuuliyiinta, isla markaana uu gacan ka geysto horumarinta adeegyada dowliga ah.

Loading...
Loading...