DEG DEG: Kalfadhigii 14-aad Ee Golaha Wakiillada Somaliland Oo Si Rasmi Ah U Furmay
Xogheynta golaha ayaa mudaneyaasha u qaybisay ajandaha kalfadhiga,
Kalfadhigii 14-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa saaka si rasmi ah u furmay, iyadoo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha, Mudane Siciid Faarax Mire (Giirre).
Xogheynta golaha ayaa mudaneyaasha u qaybisay ajandaha kalfadhiga, waxaana lagu wargeliyay inay si taxaddar leh u akhriyaan, si fadhiyada dambe loogu guda galo doodiisa, wax ka beddelkiisa iyo kaabistiisa.
Furitaanka kalfadhigan ayaa bilow u ah dib u bilaabidda hawlihii sharci-dejinta, iyadoo la filayo in mudanayaashu si rasmi ah uga shaqeeyaan ajandayaasha horyaalla golaha.
Loading...
Loading...


0 





