DEG DEG: Komishanka Xuquuqul Insaanka Oo Kormeer Ku Sameeyay Barakacayaal Ku Sugan Saaxil
Isu-duwaha Komishanka Xuquuqul Insaanka ee gobolka Saaxil, Maxamed Xadaara, ayaa kormeer ku tagay qoysas barakacayaal ah oo degay deegaannada u dhexeeya Abdaal iyo Mandheera.
Qoysaskan oo u badan xoolo-dhaqato ayaa ka soo hayaamay deegaannada War’idaad iyo Ina Afmadoobe ee gobolka Togdheer, halkaas oo isu-duwuhu uu si toos ah uga dhageystay xaaladahooda nololeed iyo caqabadaha ay la tacaalayaan.
Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray u kuurgelidda xaaladda xuquuqda aadanaha ee dadka gudaha ku barakacay, si loo helo sawir dhab ah oo ku saabsan duruufahooda nololeed.
Sidoo kale, waxa uu kormeerkani qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Komishanka Xuquuqul Aadanaha Qaranka, kuwaas oo lagu xaqiijinayo in barakacayaashu helaan xuquuqdooda aasaasiga ah iyo daryeelka ay u baahan yihiin.


0 





