DEG DEG: Agaasimaha Tamarta Somaliland Oo Ka Hadlay Qorshaha Helitaanka Koronto Jaban

0
Monday April 27, 2026 - 15:04:17 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Agaasimaha Tamarta Somaliland Oo Ka Hadlay Qorshaha Helitaanka Koronto Jaban

    gaasimaha ayaa xusay in kulanka lagu falanqaynayo xalalka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

gaasimaha ayaa xusay in kulanka lagu falanqaynayo xalalka...


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, Shucayb Cusmaan Maxamuud, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddada kulanka wada-tashiga iyo dib-u-eegista aagga tamarta, isaga oo sheegay in diiradda la saarayo sidii loo heli lahaa tamar jaban oo la isku halayn karo.


Agaasimaha ayaa xusay in kulanka lagu falanqaynayo xalalka lagu gaadhi karo koronto jaban, bad-qab ah oo bulshada si joogto ah u heli karto, isagoo tilmaamay muhiimadda ay arrintani u leedahay horumarka dalka.



Wuxuu yidhi: "Shirkan waxaanu ku falanqaynaynaa sidii aynu u heli lahayn koronto jaban, bedqab ah oo laysku halayn karo.”


Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay in helitaanka tamar jaban oo tayo leh aanay ahayn hawl fudud, balse loo baahan yahay dadaal dheeri ah iyo iskaashi ballaadhan si loo xaqiijiyo yoolkaas.

Loading...
Loading...