DEG DEG: Wasiirka Tamarta Somaliland Oo Bogaadiyay Shirkadaha Hoos u Dhigay Qiimaha Laydhka

0
Monday April 27, 2026 - 15:02:56 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Wasiirka Tamarta Somaliland Oo Bogaadiyay Shirkadaha Hoos u Dhigay Qiimaha Laydhka

    Wasiirka ayaa ammaan u jeediyay shirkadaha korontada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa ammaan u jeediyay shirkadaha korontada,



Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland, Axmed Jaamac Barre, ayaa sheegay in xukuumaddu ay si xooggan uga shaqaynayso hoos u dhigista qiimaha korontada, iyadoo la hiigsanayo in muddo shan sano ah lagu gaadho heer 20 cent.


Wasiirka ayaa ammaan u jeediyay shirkadaha korontada, isagoo tilmaamay inay dadaal muuqda ku bixiyeen dhimista qiimaha laydhka, isla markaana door muhiim ah ka qaateen fududaynta adeegyada korontada ee bulshada.



Wuxuu sidoo kale ku boorriyay shirkadaha inay u wareegaan tamar nadiif ah, islamarkaana laga guuro isticmaalka mishiinnada shidaalka badan cunaya, si loo helo koronto jaban oo waarta.


Wasiirku wuxuu yidhi: "Shirkadaha korontada aadbaanu uga mahadcelinaynaa hoos u dhigidda qiimaha laydhka. Doorka dowladdu waa in shanta sano ee xukuumaddu joogto lagu gaadho 20 cent, balse waa in si adag looga wada shaqeeyo, isla markaana shirkadaha la dhiirigeliyo inay u wareegaan tamarta nadiifta ah oo laga guuro mishiinnada shidaalka badan cuna.”

Loading...
Loading...