DEG DEG: Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Shir Ka Yeeshay Mashaariicda Bangiga Adduunka
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa maanta guddoomiyay shirka saddex-biloodlaha ah ee xidhiidhiyeyaasha mashaariicda uu maalgeliyo World Bank, kaas oo ka qabsoomay hoolka wasaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadkii saddex-biloodka koowaad ee sannadka 2026 iyo xoojinta isku-duwidda mashaariicda, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay heerka fulinta, caqabadaha jira iyo xalalka lagu horumarin karo waxqabadka.
Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay unug cusub oo qaabilsan isku-duwidda mashaariicda (PCU), kaas oo door muhiim ah ka qaadan doona dardargelinta hirgelinta iyo kor u qaadista hufnaanta isgaadhsiinta.
Ugu dambayn, Agaasimaha guud ayaa adkeeyay muhiimadda wada-shaqaynta, isla-xisaabtanka iyo joogtaynta kulamada noocan oo kale ah si loo xaqiijiyo gaarista yoolalka horumarineed.


0 





