DEG DEG: Mas'uuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Oo Kulamo Nabadeed Ka Qaatay Deegaanka Xaadh

0
Monday April 27, 2026 - 14:55:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Mas'uuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Oo Kulamo Nabadeed Ka Qaatay Deegaanka Xaadh

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta nabadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta nabadda,

May be an image of one or more people, dais and text


Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdirashiid Magaalo, iyo Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamuud Raage, ayaa kulan muhiim ah la qaatay waxgaradka, cuqaasha iyo bulshada deegaanka Xaadh ee degmada Maydh, halkaas oo dhawaan ay ka dhaceen shaqaaqooyin.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta nabadda, xoojinta wada-hadallada, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladdii ka dhacday deegaankaasi.


 

Mas’uuliyiinta ayaa bulshada ku boorriyay ilaalinta nabadgelyada, ka fogaanshaha wax kasta oo keeni kara colaad, iyo xoojinta wada-noolaanshaha, iskaashiga iyo midnimada bulshada, si looga hortago khilaafaad kale oo soo noqda.

Loading...
Loading...