DEG DEG: Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Arrimo Muhiim Ah Oo Saameynaya Dalka
Warbixinta toddobaadlaha ah ee wararka Xukuumadda Somaliland ayaa lagu soo bandhigay qodobo muhiim ah oo khuseeya siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada dalka, kadib shirkii 61-aad ee Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Warbixinta ayaa lagu xusay in Madaxweyne Cirro uu safar shaqsi ah ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu ka warbixiyey safar nabadeed oo 20 maalmood qaatay oo uu ku tegay gobollada Awdal iyo Selel, kaas oo lagu sheegay inuu ku soo dhammaaday is-afgarad iyo xasillooni.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada waxaa la horgeeyey xaaladda caafimaad ee dalka, iyadoo la sheegay in xanuunnada jadeecada iyo shubanku ka dillaaceen qaar ka mid ah gobollada, isla markaana la falanqeeyey saameynta uu kor u kaca qiimaha shidaalka adduunku ku leeyahay korontada dalka.
Dhanka horumarinta, wasaaradaha kala duwan ayaa wada qorshayaal ay ka mid yihiin dhismaha xarumaha xoolaha ee casriga ah, hirgelinta seerayaal lagu badbaadinayo xoolaha, iyo mashaariic biyood oo laga fulinayo gobollada dalka, iyadoo sidoo kale la xoojiyey iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada caafimaadka iyo horumarinta dhaqaalaha.
Warbixinta ayaa muujinaysa dadaallada Xukuumadda ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha iyo ilaalinta xasilloonida dalka, iyadoo la sii ambaqaadayo qorshayaasha horumarineed ee kala duwan.


0 





