DEG DEG: Edna Aadan Oo Sheegtay In Qaddiyadda Somaliland Leedahay Saldhig Sharci Oo Adag
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Edna Aadan Ismail, ayaa warbixin sharci iyo taariikheed oo ay qortay ku caddeysay in qaddiyadda Somaliland ay leedahay saldhigyo sharci iyo xuduudeed oo si buuxda uga soocaya Soomaaliya.
Marwo Edna ayaa iftiimisay in qarannimada Somaliland ay waafaqsan tahay shuruucda caalamiga ah, isla markaana ay ku dhisan tahay soohdimihii gumeysigu kaga tagay Afrika, kuwaas oo si rasmi ah loo dejiyey xilligii maxmiyaddii British Somaliland Protectorate intii u dhaxaysay 1884 ilaa 1960.
Warbixintan oo ay u dirtay warbaahinta caalamiga ah, isla markaana ay soo xigatay Somaliland News Agency (SOLNA), ayay ku sheegtay in heshiisyo rasmi ah oo Ingiriisku la galay Itoobiya, Faransiiska iyo Talyaaniga ay si cad u qeexayeen xuduudaha Somaliland, taas oo ka dhigtay dhul leh xuduudo si cad loo aqoonsaday ka hor xornimadii 1960.
Waxay sidoo kale xustay in Somaliland ay xorriyaddeeda qaadatay 26-kii June 1960, iyadoo noqotay dawlad madax-bannaan oo ay aqoonsadeen in ka badan 30 dal, halka Soomaaliya ay madax-bannaanideeda heshay shan maalmood kadib, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay ahaayeen laba dal oo kala madax-bannaan ka hor midowgii.
Edna Aadan Ismaaciil ayaa hoosta ka xariiqday in midowgii 1960 aanu sharciyan tirtirin xuduudihii labada dal, balse uu ahaa heshiis siyaasadeed oo dhexmaray laba dawladood oo madax-bannaan, iyadoo sheegtay in heshiisyadii sharci ee midowgaasi aan si sax ah loo ansixin.
Waxay intaas ku dartay in burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee 1991 kadib, Somaliland ay si sharci ah ugu noqotay xuduudaheedii hore, isla markaana ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii.
Ugu dambayn, Marwo Edna Aadan ayaa ugu baaqday African Union, United Nations iyo beesha caalamka inay aqoonsadaan xaqiiqada sharci iyo taariikheed ee gaarka u ah Somaliland.


0 





