Huuro Iyo Faqash,Himigoodii Halkeebu Maray? Herer iyo Selel Ninka Haybsaday,Ma Isku Helaa?.

0
Saturday April 25, 2026 - 17:12:05 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Huuro Iyo Faqash,Himigoodii Halkeebu Maray? Herer iyo Selel Ninka Haybsaday,Ma Isku Helaa?.

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.


Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.


 

1-Hub Mid Keen Iyo,Mid Hor Boodaba,

Waxaad Hadataba,Waanu Haynaa,

Waa Laguu Huriye,Ha Habsaamine,

Waad Ka Haagiye,Horuu Soo Soco,

Durba Heestii,Hoos Ma Loo Dhigay.



 

2-Hawaan Xidhay Iyo,Hanjabaadii ,

Habeen Ma Ahee,Hadh Riyoodow,

Hoosadan Berberi,Hormos Weeyo,

Heegan Baan Ahay,Oon Hubaysne,

Sootan Heestii,Hoosta Loo Dhigay.


 

3-Horseedkaagii,Heeryada Xumaa,

Hunbaalayn Jiray,Hormadi Hore,

Waanu Hayna,Soo Hor Qaar Kale,

Hangashiyo Faqash,Waw Hamuma,

Haddaad Haysaan,Horuu Soo Dira.


 

4-Habaar Qabahay Hooyo Weeydaa,

Hargrgeysa U Duda,Oo Hawaystee,

Hayin Weeyaan,Heeryo Saarka Iyo,

Hub Ku Rarashaday,Ku Haboonyiin,

Haamaan Saarnee,Hanbadana Keen.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...