DEG DEG: Guddoomiyaha Gobolka Saraar Oo Shir Ka Yeeshay Dardargelinta Shaqada iyo Gurmadka Abaaraha

0
Saturday April 25, 2026 - 17:07:09 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Guddoomiyaha Gobolka Saraar Oo Shir Ka Yeeshay Dardargelinta Shaqada iyo Gurmadka Abaaraha

    Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqooyinka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqooyinka...

May be an image of one or more people, dais and text



Guddoomiyaha gobolka Saraar ayaa xafiiskiisa ku qabtay kulan muhiim ah oo uu la yeeshay isu-duweyaasha iyo masuuliyiinta kala duwan ee laamaha dawladda ee gobolka.


Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqooyinka hay’adaha dawladda, xoojinta gurmadka abaaraha ka jira gobolka, iyo sidii si wanaagsan loogu diyaar garoobi lahaa xuska munaasabadda qaran ee 18-ka May.


Masuuliyiinta ka qeyb galay kulanka ayaa isku raacay in la mideeyo dadaallada, isla markaana si wadajir ah loo shaqeeyo si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee bulshada, loona xaqiijiyo diyaar-garow habboon oo ku aaddan munaasabadda qaran.

Loading...
Loading...