DEG DEG: Komishanka Caafimaadka Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Dhakhtar Ajaanib Ah
Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka JSL ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay Hesham Osama, oo ah dhakhtar ajaanib ah oo hadal hayn badan ka abuuray gudaha Somaliland, kadib markii uu sheegay takhasusyo caafimaad oo muran dhaliyey.
Komishanka ayaa sheegay in baadhitaano lagu wado dhakhtarkan, isla markaana uu sheegtay laba takhasus oo kala duwan, iyadoo sidoo kale la ogaaday inuusan haysan wax ruqsad ah oo uu ka qaatay komishanka.
Bayaan ay soo saareen ayaa lagu sheegay in la hubin doono labo arrimood oo muhiim ah: inuu haysto aqoonsi iyo shahaadooyin caafimaad oo sax ah oo u dhigma mihnadda uu sheeganayo, iyo sidoo kale habka iyo nidaamka uu dalka kusoo galay.
Komishanku waxay caddeeyeen in tallaabo sharci ah laga qaadi doono haddii lagu helo inuu jebiyey xeerarka iyo shuruucda dalka.
Dhakhtarkan ayaa horey uga soo muuqday barnaamijka Hargeysa Network Night, halkaas oo uu ka sheegay takhasusyo kala duwan, taas oo dhalisay dood iyo hadal hayn ballaaran gudaha Somaliland.


0 





