DEG DEG: Wasaaradda Diinta Somaliland Oo Shaacisay Shirweynaha Qaran Ee Xajka

0
Saturday April 25, 2026 - 17:03:07 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Wasaaradda Diinta Somaliland Oo Shaacisay Shirweynaha Qaran Ee Xajka

    Kulanka lagu shaacinayay shirweynahan ayaa waxaa goob joog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka lagu shaacinayay shirweynahan ayaa waxaa goob joog



Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay qabsoomidda Shirweynaha Qaran ee Xajka, kaas oo la qorsheeyay inuu qabsoomo maalinta Salaasada ee toddobaadkan.


Kulanka lagu shaacinayay shirweynahan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda, agaasimaha guud iyo xubno ka tirsan culimada dalka, kuwaas oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda shirweynaha iyo ujeeddooyinka laga leeyahay.



Agaasimaha guud ee wasaaradda, Sheekh Ayaanle Xasan Axmed, ayaa sheegay in shirweynahan uu diiradda saari doono wacyigelinta iyo diyaarinta xujaajta Somaliland ee sanadkan u ambabaxaysa gudashada waajibaadka Xajka, isaga oo xusay in uu kor u qaadi doono fahamka iyo hufnaanta adeegyada Xajka.


Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in shirweynahan ay ka soo qayb geli doonaan culimada waaweyn ee dalka, shirkadaha bixiya adeegyada Xajka iyo dhammaan xujaajta sanadkan u socda safarka barakeysan.

Loading...
Loading...