DEG DEG: Somaliland Oo Si Weyn Ugu Diyaar Garoobaysa Xuska 18-ka May

0
Saturday April 25, 2026 - 15:36:45 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Somaliland Oo Si Weyn Ugu Diyaar Garoobaysa Xuska 18-ka May

    Magaalada Hargeysa ayaa si gaar ah looga dareemayaa qaban-qaabada xuska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Hargeysa ayaa si gaar ah looga dareemayaa qaban-qaabada xuska


Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn looga dareemayaa u diyaar-garowga xuska maalinta 18-ka May, oo ah sanadguuradii 35-aad ee kasoo wareegtay maalintii Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991-kii, taas oo ah maalin qaran oo si weyn ugu weyn quluubta shacabka.


 

Magaalada Hargeysa ayaa si gaar ah looga dareemayaa qaban-qaabada xuska, iyadoo hay’adaha dowladda, ciidamada kala duwan iyo bulshada ay si buuxda ugu hawlan yihiin diyaarinta munaasibadaha maalintaas.



 

Waddooyinka waaweyn ee magaalada ayaa lagu qurxinayaa calanka Somaliland iyo astaamo kale oo muujinaya midnimada iyo qaranimada, halka sidoo kale si weyn loo iibinayo calanka Somaliland iyo agabka xuska ee lagu qurxiyo magaalooyinka dalka.

Loading...
Loading...