DEG DEG: Dawladda Hoose Hargeysa Oo Sheegtay In La Hirgeliyey Jidka Bali-gubadle Iyo Hargeysa

0
Saturday April 25, 2026 - 15:29:28 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Dawladda Hoose Hargeysa Oo Sheegtay In La Hirgeliyey Jidka Bali-gubadle Iyo Hargeysa

    Wuxuu sheegay: "Halkan marka roobku da'o lama mari jirin culayskeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu sheegay: "Halkan marka roobku da'o lama mari jirin culayskeeda

 

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, Mukhtaar Boosh Cadde, ayaa sheegay in si guul leh loo hirgeliyey balan-qaadkii Madaxweynaha ee dhismaha jidka isku xidha Bali-gubadle iyo Hargeysa.

 

Xoghayaha ayaa xusay in jidkan markii hore ay dhibaatooyin badan ka jireen, gaar ahaan xilliyada roobka oo aan la mari karin, balse hadda uu fududayn doono isku socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana kor u qaadi doono ganacsiga labada dhinac.

 

Wuxuu sheegay: "Halkan marka roobku da’o lama mari jirin culayskeeda iyo dhibbaatada laga la kulmi jiray, waxa aan ku faraxsanahay in balanqaadkaa wadada ee Madaxweynuhu hirgalay, sidoo kale ambulance-kii la soo wareejiyeyna uu hirgalay.”

 

Mukhtaar Boosh Cadde ayaa sidoo kale ballan-qaaday in Dawladda Hoose ee Hargeysa ay doorkeeda ka qaadan doonto dhammaystirka jidka marka uu soo gaadho gudaha magaalada Hargeysa, isaga oo tilmaamay inay qaybtooda ka shaqayn doonaan haddii Alle idmo.


Loading...
Loading...