DEG DEG: Golaha Guurtida Somaliland Oo Dib U Dhigay Go'aankii Muddo Kordhinta Doorashooyinka
Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dib u dhigay go’aan ka gaadhistii muddo kordhinta doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, iyagoo qorshuhu ahaa inay saaka si rasmi ah ugu codeeyaan arrintan.
Kulan albaabadu u xidhnaayeen oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, ayaa qaar ka mid ah xildhibaannadu u xaqiijiyeen Wargeyska Dawan in shirkii saaka uu ajandihiisa koowaad ahaa cod u qaadista muddo kordhinta, balse shir-guddoonka golaha uu ku wargeliyey mudaneyaasha in arrinta dib loogu dhigay ilaa maalinta Salaasada.
Dib u dhigistan ayaa la filayaa inay siiso Golaha waqti dheeraad ah oo ay si qoto dheer ugu sii lafa-guraan arrinta, ka hor inta aan go’aan kama dambays ah laga gaadhin kulanka xiga.
Dhanka kale, guddiga ka soo talo-bixinta doorashooyinka ayaa wada ururinaya xogaha la xidhiidha muddo kordhinta, iyagoo maalmahan la kulmayay daneeyayaasha kala duwan ee ay khusayso doorashadu.


0 





