DEG DEG: Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL Oo Ku Baaqay Xoojinta Hay'adaha Sharciga Ku Dhisan

0
Saturday April 25, 2026 - 15:07:58 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL Oo Ku Baaqay Xoojinta Hay'adaha Sharciga Ku Dhisan

    Dr. Aadam ayaa tilmaamay in hay'adahaas ay laf-dhabar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Aadam ayaa tilmaamay in hay'adahaas ay laf-dhabar



Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga Qaranka JSL, Dr. Aadam Axmed Daahir, ayaa sheegay in horumarka iyo wanaagga dalka lagu gaadhi karo oo keliya marka la helo hay’ado dowladeed oo ku dhisan sharciga, maamul wanaag iyo hufnaan.


 

Dr. Aadam ayaa tilmaamay in hay’adahaas ay laf-dhabar u yihiin bixinta adeeg hufan oo si siman ugu adeega bulshada, isla markaana ilaaliya danta qaranka, isagoo xusay in dowladnimada casriga ahi ku tiirsan tahay nidaamyo sharci oo adag iyo isla xisaabtan dhab ah.



 

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in nidaamyadaas ay ka hortagaan musuqmaasuqa iyo ku takri-falka awoodda, isla markaana ay horseedaan kalsooni bulsho iyo horumar waara.


 

Guddoomiyuhu wuxuu yidhi: "Marka aynu helno hay’ado dowladeed oo ku dhisan kuna shaqeeya sharciga, maamul wanaag iyo hufnaan una adeegaya danta qaranka, waxaynu helaynaa wanaag iyo horumar dowladeenu gaadho.”

Loading...
Loading...