DEG DEG: Muwaadiniin Laga Soo Celiyey Libya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargeysa
Wasaaradda Dib-u-dajinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Somaliland, oo kaashanaysa International Organization for Migration, ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Cigaal ku soo dhaweysay muwaadiniin reer Somaliland ah oo laga soo celiyey dalka Libya, kuwaasi oo si iskood ah ugu soo laabtay dalkooda hooyo kadib duruufo adag iyo dhibaatooyin ay kala kulmeen tahriibka.
Muwaadiniintan dib loogu soo celiyey dalka ayaa wasaaraddu u samaysay diiwaangelin rasmi ah, la-talin iyo wacyigelin, si loo taageero dib-u-dhexgalkooda bulshada, loona sahlo helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.
Wasaaradda Dib-u-dajinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada ayaa sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu badbaadinayo muwaadiniinta ku dhibaatoonaya waddooyinka tahriibka, isla markaana lagu xoojinayo taageerada dib-u-dejinta iyo dib-u-dhexgalka bulshada.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay mar kale ugu baaqday dhalinyarada Somaliland inay ka fogaadaan halista tahriibka iyo khataraha ku xeeran, ayna ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho, shaqo iyo horumarineed ee ka jira gudaha dalka.


0 





