DEG DEG: Agaasimaha Guud Ee Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Qaabilay Madaxa Cusub Ee EUCAP

0
Saturday April 25, 2026 - 14:58:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Agaasimaha Guud Ee Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Qaabilay Madaxa Cusub Ee EUCAP

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay madaxa cusub ee xafiiska EUCAP Somaliland, Arsi Alanne, oo dhawaan loo magacaabay hoggaanka xafiiska.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta u dhaxaysa xafiiska amniga badda ee wasaaradda iyo EUCAP, oo taageero ka bixisa dhinaca amniga badda, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha murugsan ee ka jira gobolka iyo caalamka.



 

Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay la socodka iyo sugidda badqabka iyo amniga xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, si loo ilaaliyo danaha dalka iyo marin-biyoodka muhiimka ah.


 

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay agaasimaha xafiiska amniga badda ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo ku-xigeenkiisa.

 

Loading...
Loading...