DEG DEG: Siyaasi Maxamed Obama Oo Sheegay In Dakhliga Free Zone-ku Dabooli Karo Dhaqaalaha Somaliland
Siyaasi Maxamed Obama ayaa sheegay in dakhliga ka soo xarooda aagga cashuuraha ka caagan (Free Zone) uu dabooli karo baahiyaha dhaqaale ee Somaliland oo dhan, haddii si sax ah loo maareeyo loona horumariyo.
Isagoo ka hadlayay munaasibad lagu taageerayay guddoomiyaha hay’adda aagga cashuuraha ka caagan, Maxamed Cabdikariim Maarshaal, ayuu xusay in hay’addu door muhiim ah ka qaadan karto suuq-geynta badeecadaha dekedaha yimaada, isla markaana ay kobcin karto dhaqaalaha dalka.
Wuxuu tilmaamay in hay’addan ay noqon karto xarunta ugu weyn ee suuq u raadisa badeecadaha soo gala dalka, taas oo kor u qaadi karta dakhliga ilaa heer bilyan dollar ah, haddii si hufan loo hirgeliyo.
Siyaasi Maxamed Obama ayaa sidoo kale hambalyo u diray guddoomiyaha cusub, isaga oo yidhi: "Waxaan halkan ka hanbalyaynaya Maxamed Cabdikariim Maarshaal oo loo igmaday hoggaanka hay’adda. Hay’addan waa ciddii iib geyn lahayd wixii dekedda yimaada, isla markaana suuq u raadin lahayd. Bilyan dollar ayay noqon kartaa bajadka Somaliland, lacagta Free Zonka ayaana dalka oo dhan ku filaan karta haddii si sax ah loo maareeyo.”


0 





