DEG DEG: Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Soo Saartay Saadaasha Roobabka Gu'ga
Sida lagu sheegay warbixinta Waaxda Saadaasha Hawada
Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland ayaa soo saartay saadaasha roobabka Gu’ga ee toddobaadka u dhexeeya 25 Abriil ilaa 1 May 2026, taas oo muujinaysa roobab kala duwan oo ka da’aya gobollo muhiim ah.
Sida lagu sheegay warbixinta Waaxda Saadaasha Hawada, gobollada Saaxil, Sanaag iyo Maroodijeex ayaa la filayaa inay helaan roobab xooggan oo gaaraya 40mm ilaa 50mm, halka gobollada Sool, Togdheer iyo Awdal ay heli doonaan roobab dhexdhexaad ah oo u dhexeeya 20mm ilaa 30mm.
Saadaashan ayaa muhiim u ah qorsheynta beeraha iyo nolosha reer miyiga, iyadoo sidoo kale lagu saleeyay xog caalami ah oo laga helay hay’adaha saadaasha hawada.
Loading...
Loading...


0 





