DEG DEG: Wasiirka Gaadiidka Somaliland Oo Taageeray Hoggaanka Cusub Ee Ururka Gaadiidleyda Tawfiiq

0
Saturday April 25, 2026 - 14:52:32 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Wasiirka Gaadiidka Somaliland Oo Taageeray Hoggaanka Cusub Ee Ururka Gaadiidleyda Tawfiiq

    Wasiirka ayaa dardaaran u jeediyay hoggaanka cusub ee loo doortay ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa dardaaran u jeediyay hoggaanka cusub ee loo doortay ...



Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahin Nuur (Af-Gaab), ayaa sheegay in wasaaraddu ay si buuxda garab u taagan tahay hoggaanka cusub ee ururka gaadiidleyda Tawfiiq ee maanta lagu doortay magaalada Berbera.


 

Wasiirka ayaa dardaaran u jeediyay hoggaanka cusub ee loo doortay inay hoggaamiyaan ururka labada sanno ee soo socota, isagoo ku booriyay inay xoogga saaraan horumarinta ururka iyo kor u qaadidda adeegyada gaadiidka.



 

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in wasaaraddu diyaar u tahay inay taageerto dadaallada gaadiidleyda, isaga oo yidhi: "Wasaaradda Gaadiidku waxay idin la garab taagan tahay in ay Gaadiidleydu horumar sameeyaan.”


 

Wasiir Cismaan Af-Gaab ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu kaga qayb galay doorashada hoggaanka cusub ee ururka gaadiidleyda Tawfiiq oo ka dhacday magaalada Berbera.

Loading...
Loading...