DEG DEG: Wasaaradda Maaliyadda Oo Xoojisay Baadhista Gudaha – Hufnaan iyo Isla-Xisaabtan La Adkeeyey
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi, ayaa furay kulan-hawleed muhiim ah oo loo qabtay Waaxda Baadhista Gudaha, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta habraacyada shaqo iyo kor u qaadista waxqabadka waaxda.
Kulanka ayaa si gaar ah u iftiimiyey muhiimadda ay baadhista gudaha u leedahay hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dawladda, iyadoo la isla qaatay in la dejiyo qorshe-hawleed cad oo hagaya shaqada waaxda.
Qodobada muhiimka ah ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa xoojinta baadhista goobaha si loo helo xog sugan, soo saarista warbixino tayo leh iyo talooyin wax-ku-ool ah, iyo sidoo kale adkaynta dabagalka si loo hubiyo in la hirgeliyo sixitaannada la soo jeediyo.
Wasiiru-Dawlaha ayaa ku boorriyey shaqaalaha waaxda inay muujiyaan karti, daacadnimo iyo masuuliyad, isaga oo xusay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta nidaamka maaliyadeed iyo dhisidda kalsoonida hay’adaha dawladda.
Kulankan oo daba socday tababar hore loo siiyey saraakiisha waaxda, ayaa la filayaa inuu si weyn u kor u qaado tayada shaqada iyo hufnaanta Baadhista Gudaha, isla markaana uu xoojiyo nidaamka maaliyadeed ee dalka.


0 





