DEG DEG: Wasiirka Warfaafinta Oo La Kulmay Ururrada Warbaahinta – Arrimo Xasaasi Ah Oo La Isku Afgartay
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay weheliyaan wasiir-ku-xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa kulan is-barasho iyo wada-tashi ah la qaatay ururrada warbaahinta Somaliland ee kala ah SOLJA, WIJA iyo FIMA.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya wasaaradda iyo ururrada warbaahinta, si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo horumariya saxaafadda dalka.
Intii uu kulanku socday, waxa si gaar ah looga wada hadlay dardargelinta ansixinta xeerka saxaafadda ee hor yaalla Golaha Wakiillada Somaliland, taas oo muhiim u ah nidaaminta iyo horumarinta warbaahinta.
Sidoo kale, waxa laga wada hadlay qabanqaabada munaasibadda qaran ee 18-ka May, iyadoo la isla gartay in warbaahintu door weyn ka qaadato wacyigelinta iyo abaabulka bulshada.
Ugu dambayn, dhinacyada kulanka ka qayb galay ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta ku saabsan difaaca qaranka iyo arrimaha aqoonsiga, iyaga oo muujiyey midnimo iyo wadajir.
Kulankan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo iskaashi adag oo u dhexeeya dowladda iyo warbaahinta, isla markaana kor u qaadaya doorka saxaafadda ee horumarinta bulshada.


0 





