DEG DEG: Agaasimaha Diinta Oo Amar Cusub Soo Saaray – Cilaajyada La Nidaaminayo

0
Thursday April 23, 2026 - 16:35:58 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Agaasimaha Diinta Oo Amar Cusub Soo Saaray – Cilaajyada La Nidaaminayo

    "Culimadii ka shaqeynaysay daaweynta bulshada, kuna daweynaysay ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Culimadii ka shaqeynaysay daaweynta bulshada, kuna daweynaysay ...



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Ayaanle Xasan Axmed, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiinta xarumaha cilaajyada ee ka hawlgala gobolka Maroodi-jeex, isaga oo ka hadlay nidaaminta iyo tayaynta adeegyada cilaajka.


 

Agaasimaha ayaa carrabka ku adkeeyey in cilaajyadu yihiin adeeg diini ah oo ku dhisan Qur’aan iyo Sunne, isla markaana door muhiim ah ka ciyaara daaweynta bulshada.



 

"Culimadii ka shaqeynaysay daaweynta bulshada, kuna daweynaysay Kitaabka iyo Sunada, Qur’aanka aynu isku daweyno waa mashruuc Alle inoo jideeyay,” ayuu yidhi Sheekh Ayaanle.


 

Waxa uu sidoo kale shaaciyey in ilaa 40 xarumood oo cilaaj ah ay isdiiwaangeliyeen, kuwaas oo lagu wado in la dhammeystiro hannaankooda sharci iyo maamul, si loo hubiyo tayada adeegyada ay bixiyaan.


 

Agaasimaha ayaa ugu baaqay xarumaha aan weli isdiiwaangelin inay sida ugu dhaqsaha badan u dhammaystiraan nidaamka diiwaangelinta, isaga oo u qabtay waqti cayiman.


 

"Inta aan isdiiwaangelin, isu-duwayaasha gobollada waxaan ka codsanayaa in ay shaqadooda ku soo gabagabeeyaan muddo bil ah,” ayuu yidhi.


 

Ugu dambayn, waxa uu sheegay in qof kasta oo doonaya inuu furo xarun cilaaj ah lagu qiimeyn doono aqoonta shareecada Islaamka iyo fahamka uu u leeyahay hababka daaweynta, si loo hubiyo in adeegyadaasi noqdaan kuwo sax ah oo la isku halayn karo.


 

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu nidaaminayo xarumaha cilaajyada iyo kor u qaadista tayada adeegyada diineed ee bulshada.

Loading...
Loading...