DEG DEG: Wasiirka Warfaafinta Oo Magacaabay Guddida Qabanqaabada 18 May Somaliland
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay guddida qabanqaabada xuska maalinta qaran ee 18-ka May, oo ah maalinta dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland.
Guddidan cusub ayaa masuul ka noqon doonta qorshaynta, isku-dubaridka iyo hirgelinta dhammaan hawlaha la xidhiidha xuska maalintan qaran, taas oo qiimo weyn ku leh shacabka Somaliland.
Sidoo kale, guddidu waxay ka shaqayn doonaan diyaarinta barnaamijyo wacyigelin iyo dhaqan oo muujinaya taariikhda, halgankii iyo himilada qaranka, si loo xoojiyo dareenka waddaninimo ee bulshada.
Wasiirku waxa uu faray xubnaha guddida inay si hufan oo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha kale ee dawladda iyo bulshada si loo xaqiijiyo in xuska 18 May uu noqdo mid si heer sare ah loo abaabulo.
Tallaabadan ayaa muujinaysa diyaar-garow xooggan oo xukuumaddu ugu jirto xuska maalinta qaran, iyadoo la filayo in sanadkan si gaar ah loo xuso.


0 





