DEG DEG: Senator Mareykan Ah Oo Ku Baaqay In Somaliland Si Degdeg Ah Loo Aqoonsado US

0
Wednesday April 22, 2026 - 19:06:10 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Senator Mareykan Ah Oo Ku Baaqay In Somaliland Si Degdeg Ah Loo Aqoonsado US

    Xildhibaanka ayaa hadalkan ka jeediyey kulan ay yeesheen Guddida....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanka ayaa hadalkan ka jeediyey kulan ay yeesheen Guddida....


Xildhibaan Ted Cruz, oo ka mid ah Guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Baarlamaanka Maraykanka, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal saaxiib istaraatiiji ah la ah dowladda Maraykanka, isaga oo si cad ugu baaqay in si buuxda loo aqoonsado.


 

Xildhibaanka ayaa hadalkan ka jeediyey kulan ay yeesheen Guddida Arrimaha Dibadda ee Senate-ka, isagoo xusay muhiimadda ay Somaliland u leedahay gobolka Geeska Afrika oo uu ku tilmaamay meel istaraatiiji ah oo xasaasi ah.



 

Ted Cruz ayaa sidoo kale sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland uu yahay mid sharci ah, isla markaana uu Maraykanku ka faa’iidi karo aqoonsiga Somaliland si uu u xakameeyo saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha ee gobolka.


 

Wuxuu tilmaamay in aqoonsiga Somaliland uu noqon karo tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa danaha siyaasadeed iyo amni ee Maraykanka ee Geeska Afrika.


 

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan doodaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland, iyadoo siyaasiyiin iyo daneeyayaal caalami ahi ay sii kordhinayaan taageerada ay u muujinayaan arrintaasi.

Loading...
Loading...