DEG DEG: Guddoomiyaha Maamul-wanaagga Oo Ka Digay Hay'ado Aan Sharciga Ku Shaqayn

0
Wednesday April 22, 2026 - 18:54:09 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Guddoomiyaha Maamul-wanaagga Oo Ka Digay Hay'ado Aan Sharciga Ku Shaqayn

    Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasibad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasibad


Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga Somaliland, Dr. Aadan Axmed Daahir, ayaa si cad u sheegay in dhismaha dawladnimo adag uu ku xidhan yahay jiritaanka hay’ado dawladeed oo ku shaqeeya sharciga iyo mabaadi’da maamul-wanaagga.


 

Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in aan la gaadhi karin horumar dhab ah haddii aan la helin hay’ado leh nidaam iyo hufnaan, kuwaas oo ku shaqeeya sharci iyo isla xisaabtan.



 

"Waa in la helo hay’ado dawladeed oo ku shaqeeya sharciga iyo nidaamka maamul-wanaagga,” ayuu yidhi Dr. Aadan Axmed Daahir.


 

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasibad ay Komishanka Maamul-wanaaggu heshiis iskaashi kula saxeexdeen Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, taas oo ujeedadeedu tahay xoojinta hufnaanta iyo wacyigelinta bulshada.


 

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in heshiiskan uu kaalin weyn ka qaadan doono kor u qaadista wacyiga bulshada iyo dhisidda masuuliyiin dawladeed oo ku shaqeeya xilkasnimo, daacadnimo iyo caddaalad.


 

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta nidaamka dawladnimo iyo hagaajinta hab-maamulka hay’adaha dowladda Somaliland.

Loading...
Loading...