DEG DEG: Somaliland Oo Hambalyo U Dirtay Israa'iil – Xidhiidhka Labada Dhinac Oo La Xoojinayo

0
Wednesday April 22, 2026 - 18:52:06 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Somaliland Oo Hambalyo U Dirtay Israa'iil – Xidhiidhka Labada Dhinac Oo La Xoojinayo

    Qoraalka ayaa lagu xusay in labada dal ay wadaagaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalka ayaa lagu xusay in labada dal ay wadaagaan

 

May be an image of text


Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah hambalyo ugu dirtay dowladda Israa’iil, taas oo ku aaddan munaasibadda xuska Maalinta Xorriyadeeda.


 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku muujisay hambalyadaasi, iyadoo sidoo kale caddeysay in Somaliland ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo xidhiidhka labada dhinac.


 

Qoraalka ayaa lagu xusay in labada dal ay wadaagaan danaha muhiimka ah ee dhinacyada iskaashiga iyo horumarinta, isla markaana la sii dardargelin doono xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya.


 

Tallaabadan ayaa muujinaysa jihada siyaasadeed ee Somaliland ee ku aaddan balaadhinta xidhiidhada caalamiga ah, iyadoo la xoojinayo iskaashi ku saleysan dan wadaag iyo horumar.


 

Hambalyadan ayaa sidoo kale imanaysa xilli ay sii kordhayaan xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Somaliland la yeelanayso dalal kala duwan oo caalamka ah.

Loading...
Loading...