DEG DEG: Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Dalal Cambaareeyey Safiirka Israel
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay bayaan ka soo baxay 10 dawladood oo ay ugu horreeyaan Turkiga iyo Sucuudiga, kuwaas oo cambaareeyey safiirka ay Israel u soo magacowday Somaliland.
Somaliland ayaa sheegtay in xidhiidhada caalamiga ah ee ay la yeelanayso dalalka dunidu aanu ahayn mid ku dhisan waxyeello ama dhibaato loo geysto cid kale, balse uu ku salaysan yahay danaha qaranka iyo masaalixda shacabka Somaliland.
Wasaaradda ayaa carrabka ku adkaysay in Somaliland ay leedahay xaq buuxa oo ay ku dhisan karto siyaasaddeeda dibadda, isla markaana ay la yeelan karto xidhiidh kasta oo ay u aragto mid waxtar u leh horumarkeeda iyo mustaqbalkeeda.
Jawaabtan adag ayaa imanaysa xilli ay sare u kacayaan doodaha la xidhiidha xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Somaliland, iyadoo arrintan ay dhalisay falcelin caalami ah oo kala duwan.
Somaliland ayaa ugu dambayn muujisay inay ka go’an tahay inay sii waddo iskaashi caalami ah oo ku dhisan ixtiraam iyo dan wadaag, iyada oo aan ka tanaasulayn madaxbannaanideeda iyo go’aamada siyaasadeed ee ay gaadho.


0 





