DEG DEG: Kuuriyada Waqooyi Oo Mar Kale Tijaabisay Gantaalo – Xiisad Cusub Oo Ka Dhex Qaraxday
Kuuriyada Waqooyi ayaa saaka aroortii hore bilowday tijaabooyin cusub oo gantaalo ballistic ah, kuwaas oo noqday tijaabadii toddobaad ee ay sanadkan sameyso magaalada Pyongyang.
Taliska guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inay si rasmi ah u ogaadeen gantaalaha la riday, kuwaas oo la sheegay inay gaadheen masaafo dhan 140 km, taas oo sare u qaaday walaaca amni ee gobolka.
Dhanka kale, Kuuriyada Koonfureed ayaa si adag uga jawaabtay, iyadoo kaashanaysa xulafadeeda Mareykanka, isla markaana ku hanjabtay inay qaadi karto tallaabo milatari haddii ay Kuuriyada Waqooyi sii waddo falal ay ku tilmaantay daandaansi.
Sidoo kale, Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in sirdoonkooda iyo kan Mareykanka ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada gantaalaha, iyaga oo xogta la wadaagay xulafadooda Japan si loo xoojiyo diyaar-garowga amni.
Xiisaddan cusub ayaa imanaysa xilli gobolka Bariga Aasiya uu mar horeba ka jiray walaac amni oo la xidhiidha hubka nukliyeerka iyo gantaalaha Kuuriyada Waqooyi, iyadoo beesha caalamkuna si dhow ula socoto xaaladda.


0 





