DEG DEG: Guddoomiyaha WADDANI Oo Sheegay In Somaliland Ka Shidaal Jaban Tahay Sucuudiga Iyo Imaaraadka

0
Monday April 20, 2026 - 00:50:24 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Guddoomiyaha WADDANI Oo Sheegay In Somaliland Ka Shidaal Jaban Tahay Sucuudiga Iyo Imaaraadka

    Waxa uu xusay in hoos u dhaca qiimaha shidaalku uu faa'iido weyn u leeyahay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu xusay in hoos u dhaca qiimaha shidaalku uu faa'iido weyn u leeyahay...



Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in Somaliland ay haatan ka shidaal jaban tahay dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo hore looga keeni jiray shidaalka dalka.


 

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in arrintani ay muujinayso isbeddel ku yimid suuqa shidaalka Somaliland, isla markaana ay ka dhalatay tartan iyo nidaam cusub oo keenay hoos u dhac ku yimaadda qiimaha shidaalka.



 

Waxa uu xusay in hoos u dhaca qiimaha shidaalku uu faa’iido weyn u leeyahay bulshada, gaar ahaan dhinaca gaadiidka iyo ganacsiga, maadaama uu yareynayo kharashaadka nolosha.


 

Hadalka Guddoomiyaha WADDANI ayaa imanaya xilli ay dood ka taagan tahay qiimaha shidaalka iyo saameynta uu ku leeyahay dhaqaalaha dalka, iyadoo bulshada qaar ay si dhow ula socdaan isbeddellada ka socda suuqa shidaalka.


 

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay falcelin kala duwan, iyadoo dad badani isweydiinayaan sababta keentay in qiimaha shidaalka Somaliland ka hooseeyo dalal soo saara shidaalka sida Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Loading...
Loading...