DEG DEG: Wasiir Ku-xigeenka Biyaha Oo Kulan La Qaatay Shaqaalaha Burco – Amar Ku Saabsan Adeegga Biyaha

0
Monday April 20, 2026 - 00:45:39 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 12
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Wasiir Ku-xigeenka Biyaha Oo Kulan La Qaatay Shaqaalaha Burco – Amar Ku Saabsan Adeegga Biyaha

    Kulanka waxa sidoo kale ka qayb galay isu-duwaha wasaaradda ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka waxa sidoo kale ka qayb galay isu-duwaha wasaaradda ...



Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed, ayaa kulan isbarasho iyo dardargelinta shaqada la yeeshay shaqaalaha Wakaaladda Biyaha ee magaalada Burco.


 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta, kor u qaadidda hufnaanta hawlaha, iyo horumarinta adeegyada biyaha ee bulshada ku dhaqan Burco.



 

Kulanka waxa sidoo kale ka qayb galay isu-duwaha wasaaradda ee gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo si gaar ah u iftiimiyey muhiimadda ay leedahay wadajirku si loo gaadho yoolalka horumarineed ee wasaaradda.


 

Wasiir ku-xigeenka ayaa shaqaalaha ku boorriyey inay kordhiyaan dadaalkooda, isla markaana muujiyaan masuuliyad iyo daacadnimo si loo helo adeeg biyo oo tayo leh oo joogto ah.


 

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada biyaha ee magaalooyinka waaweyn, iyadoo la doonayo in bulshada loo helo biyo ku filan oo la isku halayn karo.

Loading...
Loading...