DEG DEG: Wasiirka Maaliyadda Oo Shaaciyey Doorka Xasaasiga ah ee Dakhliga Qaranka

0
Monday April 20, 2026 - 00:42:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 23
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Wasiirka Maaliyadda Oo Shaaciyey Doorka Xasaasiga ah ee Dakhliga Qaranka

    "Qarankani waxa uu ku socdaa dakhliga ay soo saarto Wasaaradda Maaliyaddu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qarankani waxa uu ku socdaa dakhliga ay soo saarto Wasaaradda Maaliyaddu.



Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa si cad u muujiyey doorka muhiimka ah ee wasaaraddiisu ku leedahay kobcinta dhaqaalaha dalka, isaga oo tilmaamay inay tahay laf-dhabarta dakhli uruurinta qaranka.


 

Wasiirku waxa uu xusay in horumarka iyo socodka qaranku uu si toos ah ugu xidhan yahay dakhliga ay soo saarto Wasaaradda Maaliyaddu, isaga oo ku boorriyey waaxyaha kala duwan inay si buuxda uga qayb qaataan fulinta siyaasadda dakhliga.



 

"Qarankani waxa uu ku socdaa dakhliga ay soo saarto Wasaaradda Maaliyaddu. Sida Madaxweynaha noogu igmaday in aanu fulino siyaasadda dakhliga, ayaanu annaguna idinku igmanay in waax walba ay ka qabato doorkeeda,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Xasan Aadan.


 

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu bogaadiyey agaasimeyaasha iyo ku-xigeennadooda, isaga oo muujiyey kalsooni buuxda oo uu ku qabo kartidooda iyo hawlkarnimadooda.


 

"Waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa in agaasimeyaasha iyo agaasime ku-xigeennaduba ay yihiin shaqaale hawlkar ah oo awood u leh inay si hufan u gutaan waajibaadkooda,” ayuu hadalkiisa ku daray.


 

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay xukuumaddu dadaal xooggan ugu jirto xoojinta nidaamka dakhli uruurinta iyo kor u qaadista koboca dhaqaale ee dalka, iyadoo la rajaynayo in wada shaqaynta hay’adaha dawladdu ay door weyn ka qaadato horumarka mustaqbalka.

Loading...
Loading...