DEG DEG: Awdal Oo Bilaabay Qaban-qaabada 18 May – "Sanadkan Waa Mid Gaar Ah"
Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Cabdi Rashiid Xasan Mataan, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay guddiga heer gobol ee qaban-qaabada xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May, kadib kulan muhiim ah oo lagu magacaabay xubnaha guddiga isla markaana lagu kala qaatay waajibaadka diyaar-garowga.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in guddigan cusub uu ka kooban yahay 18 xubnood, isla markaana uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka gobolka, kuwaas oo ka shaqayn doona isku-dubbaridka iyo abaabulka munaasabadda weyn ee 18 May.
"Halkan waxaa iskugu yimi guddigii aanu u magacownay qaban-qaabada 18 May, oo aanu ku kala qaadanaynay waajibaadkii diyaar-garowga iyo isku-dubbaridka,” ayuu yidhi Guddoomiye Mataan.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in sanadkan uu leeyahay muhiimad gaar ah, isaga oo xusay in markii ugu horreysay xuskan lagu qabanayo iyadoo Somaliland ay heshay ictiraaf, taas oo uu ku tilmaamay guul taariikhi ah.
"Sanadkan waxaa dheeraad inagu ah ictiraafkii Somaliland; waa sanadkii u horreeyay ee innagoo ictiraaf haysanna aynu dabaal-degi doono 18 May,” ayuu yidhi.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay doorka taariikhiga ah ee gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, ku leedahay dhismaha Somaliland, isaga oo tilmaamay in halkaasi ay ahayd saldhigii dib-u-dhiska qaranka.
"Boorama iyo Awdal waa halkii lagu dhisay Somaliland; calanka waxaa sameeyay nin reer Boorama, heesta qarankana waxaa leh Awdal,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Tallaabadan ayaa muujinaysa diyaar-garow xooggan oo gobolka Awdal ugu jiro xuska 18 May, iyadoo la filayo inay noqoto munaasabad si weyn loo abaabulo sanadkan.


0 





