DEG DEG: Eedaysane Dil Loo Haysto Oo Lagu Qabtay Sanaag – Booliska Oo Howlgal Degdeg Ah Fuliyey

0
Monday April 20, 2026 - 00:37:09 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 18
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Eedaysane Dil Loo Haysto Oo Lagu Qabtay Sanaag – Booliska Oo Howlgal Degdeg Ah Fuliyey

    Boolisku waxa ay caddeeyeen in eedaysanaha si degdeg ah loo horgeyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boolisku waxa ay caddeeyeen in eedaysanaha si degdeg ah loo horgeyn


Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ee Qaybta Gobolka Sanaag ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane lagu magacaabo Maxamed Axmed Maxamuud, kaas oo ku eedaysan dilka marxuum Cabdikariim Kayse Ibraahim.


 

Eedaysanaha ayaa lagu qabtay hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidamada Booliska Gobolka Sanaag, iyaga oo sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka dambiyada culus.



 

Boolisku waxa ay caddeeyeen in eedaysanaha si degdeg ah loo horgeyn doono hay’adaha garsoorka, si loo mariyo habraaca sharciga.


 

Dilka loo haysto eedaysanaha ayaa dhawaan ka dhacay deegaanka Ximan-gareen ee Gobolka Sanaag, kaas oo si weyn u gilgilay bulshada deegaanka.


 

Tallaabadan ay qaadeen Ciidamada Boolisku ayaa muujinaysa dadaalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo caddaaladda iyo sugidda amniga guud ee gobolka.

Loading...
Loading...