DEG DEG: Isbedel Ka Dhacay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland – Agaasimayaal Cusub Oo Xilalka La Wareegay
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u qabtay munaasibad xil-wareejin ah oo u dhexeysay agaasimeyaashii hore iyo kuwa cusub ee waaxaha muhiimka ah ee wasaaradda.
Waaxaha xilalka la kala wareegay ayaa ay ka mid yihiin Adeegga Caafimaadka Bulshada iyo Cududda Shaqaalaha, iyadoo masuuliyiintan cusub uu dhawaan magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi.
Munaasibadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay kana dhacday xarunta guud ee wasaaradda, ayaa waxaa ka soo qayb galay shaqaalaha wasaaradda, hay’adaha la shaqeeya, dhakhaatiir iyo marti sharaf kale.
Intii ay socotay munaasibaddu, masuuliyiintii hore ayaa ka hadlay waayo-aragnimadoodii shaqo, iyaga oo u mahadceliyey cid kasta oo ay la soo shaqeeyeen, isla markaana talooyin wax ku ool ah u gudbiyey agaasimeyaasha cusub.
Dhanka kale, masuuliyiinta cusub ayaa soo bandhigay qorshayaashooda iyo sida ay u horumarin doonaan waajibaadka loo igmaday, iyaga oo ballan qaaday inay dardar cusub gelin doonaan shaqada wasaaradda.
Isbedelkan cusub ayaa la filayaa inuu kor u qaado tayada adeegyada caafimaadka iyo hufnaanta shaqo ee wasaaradda, isla markaana uu horseedo horumar muuqda oo dhinaca caafimaadka ah.


0 





