DEG DEG: Ceel-Biyood Cusub Oo Laga Dhagax Dhigay Kaamka Durdur – Barakacayaal Rajo Helay
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo Khayraadka Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay wehelinayaan madaxda Gobolka Togdheer iyo maamulka Degmada Burco, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuc ceel-biyood cusub oo laga hirgelinayo Kaamka Barakacayaasha ee Durdur.
Mashruucan oo ay fulinayso hay’adda SOS, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo helitaanka biyo nadiif ah, isla markaana lagu hagaajiyo xaaladda nololeed ee qoysaska ku nool kaamka, kuwaas oo muddo la daalaa dhacayay biyo la’aan.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in ceelkan cusub uu si weyn u dabooli doono baahida biyaha ee dadka barakacayaasha ah, isla markaana uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono caafimaadka iyo nadaafadda deegaanka.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada nugul, gaar ahaan barakacayaasha, iyadoo la rajeynayo inay yareyso caqabadaha la xidhiidha biyo la’aanta.
Mashruucan ayaa sidoo kale muujinaya iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo hay’adaha samafalka, si loo taageero dadka u baahan adeegyada aasaasiga ah.


0 





