DEG DEG: Siyaasi Cadami Oo Shaaciyey In Wadamo Kale Ictiraafi Doonaan Somaliland
Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami, oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland, ayaa rajo weyn ka muujiyey in dalal kale oo caalami ahi ay si rasmi ah u ictiraafi doonaan Somaliland, isaga oo tilmaamay in ay tani noqon karto marxalad cusub oo taariikhi ah.
Cadami waxa uu sheegay in aqoonsigii hore ee Somaliland ay ka heshay dawladda Israa’iil uu ahaa guul weyn oo muujinaysa horumarka ay gaadhay Somaliland, isla markaana uu fure u noqon karo aqoonsiyo kale oo soo socda.
Siyaasigu waxa uu xusay in Somaliland ay soo martay marxalad adag oo ay ka buuxeen dedaal, dulqaad iyo caqabado badan, balse ay maanta taagan tahay meel sare oo ay ku kasbatay sumcad iyo aqoonsi caalami ah.
"Waxa aynnu soo gaadhnay maanta dedaal badan, rafasho badan, dulqaad badan iyo dhibbaatooyin badan ka dib, inaanu nahay dal la ictiraafsan yahay, isla markaana dawlad muhiim ah oo saamayn weyn ku leh caalamka ay ina aqoonsatay,” ayuu yidhi Cadami.
Waxa uu intaas ku daray in rajo weyn laga qabo in dalal kale ay raacaan waddadaas, isla markaana aqoonsi dheeraad ahi uu soo socdo, arrintaas oo uu sheegay in aanay qarsoonayn.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan dadaallada Somaliland ee ku aaddan raadinta aqoonsi caalami ah, iyadoo siyaasiyiin badan ay muujinayaan rajo ku saabsan mustaqbalka arrintaasi.


0 





