DEG DEG: 1.5 Milyan oo Xoolo ah Oo Ku Baxsaday Seeraha Aroori – Abaarta Oo Saameyn Weyn Yeelatay
Agaasimaha Wacyigelinta ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Marwo Amuun Cali Haybe, ayaa shaacisay in Seeraha Banka Aroori sanadkii hore loo sii daayey in ka badan 1.5 milyan oo neef oo xoolo ah oo noocyo kala duwan leh.
Agaasimaha ayaa xustay in sanadkan abaarta dhacday ay sababtay in tiro la mid ah xoolahaasi ay ku baxsadaan seeraha, iyadoo dad badan oo xoolo-dhaqato ahi u soo guureen deegaanka si ay uga faa’iidaystaan daaqa halkaasi ka jira.
"Seeraha Aroori sanadkii hore 1.5 milyan oo neef ayaa ku baxsaday, sanadkan-na waa la furay oo tiro intaas la eg ayaa ku baxsatay, dad badanna waxay u soo guureen ilaa 10 geedi,” ayay tidhi Amuun Cali Haybe.
Waxa ay sidoo kale tilmaantay in seerahaasi uu noqday meel muhiim u ah badbaadinta xoolaha xilliyada abaarta, iyadoo xoolo-dhaqatadu u arkaan meel ay ka helaan daaq iyo biyo.
Arrintan ayaa muujinaysa saamaynta ba’an ee abaartu ku yeelatay xoolaha iyo dhaqaalaha bulshada reer miyiga, iyadoo sidoo kale iftiiminaysa muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo maaraynta seeraha si loo yareeyo khasaaraha xoolaha.


0 





