DEG DEG: Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Furay Shir Muhiim ah oo Cagaarayn Ah

0
Sunday April 19, 2026 - 20:24:04 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Furay Shir Muhiim ah oo Cagaarayn Ah

    Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay'adda DT Global,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay'adda DT Global,



Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Cismaan Geelljire, ayaa Hotel Sarovar ka furay kulan muhiim ah oo ku saabsan cagaaraynta iyo ilaalinta deegaanka.


 

Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay’adda DT Global, gaar ahaan mashruuca SINAAN, iyadoo ay ka soo qayb galeen wasaarado kala duwan oo ka mid ah mashruuca, Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo qaar ka mid ah shirkadaha madaxa-bannaan.



 

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada cagaaraynta iyo ilaalinta deegaanka, isaga oo tilmaamay in iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa kale uu yahay furaha guusha mashruucan.


 

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in hay’adaha ka qayb galaya kulankan ay sii xoojiyaan wada shaqaynta, si loo gaadho natiijooyin wax ku ool ah oo wax ka taraya isbeddelka cimilada iyo horumarinta deegaanka dalka.


 

Kulankan ayaa la filayaa inuu horseedo qorshayaal cusub oo lagu dardargelinayo cagaaraynta iyo ilaalinta deegaanka Somaliland, iyadoo la iska kaashanayo dhammaan dhinacyada ay khusayso.

Loading...
Loading...