DEG DEG: Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Hoggaaminaya Nabadaynta Awdal & Selel – Amar Cusub Oo La Soo Saaray

0
Sunday April 19, 2026 - 20:20:31 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Hoggaaminaya Nabadaynta Awdal & Selel – Amar Cusub Oo La Soo Saaray

    Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in weftiga Madaxweyne ku-xigeenka s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in weftiga Madaxweyne ku-xigeenka s


Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland, Mudane Maxamed Muuse Bucul Buuni, ayaa ka hadlay socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ku marayo deegaanada waqooyiga dalka, gaar ahaan gobollada Awdal iyo Selel.


 

Socdaalkan ayaa la xidhiidha dadaallo nabadayneed oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaado sababay dhimasho iyo dhaawac oo bilihii u dambeeyay ku dhex maray beelo walaalo ah oo ku nool deegaanadaas.



 

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in weftiga Madaxweyne ku-xigeenka si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Geerisa ee hoos yimaada degmada Lughaya, halkaas oo ay la kulmeen odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka.


 

"Waxa aanu magaalada Geerisa ku soo dhawaynay weftiga Madaxweyne ku-xigeenku hoggaaminayo, waxaanu la hadlay dhammaan odayaasha dhaqanka, sidoo kale waxaanu warbixin ka siinay sida ay hawlaha nabadayntu uga socdaan deegaanka,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka.


 

Dhanka kale, waxa uu xusay in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu hore u soo saaray amar adag oo lagu mamnuucayo in hub lagu dhex qaato guud ahaan deegaanada gobollada Awdal iyo Selel, marka laga reebo hubka ay hayaan ciidamada ammaanka.


 

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha xukuumaddu ku doonayso xoojinta nabadda iyo xasilloonida, iyadoo la rajeynayo in ay horseed u noqoto joojinta colaadaha iyo soo celinta wada noolaanshaha bulshada.

Loading...
Loading...