DEG DEG: Madaxweyne Deni Oo Isbedel Ballaadhan Ku Sameeyey Hoggaanka Booliska Puntland
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 11 iyo Lr. 12, kuwaas oo lagu magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska, hoggaamada kala duwan iyo taliyeyaasha qaybaha ciidanka Booliska Puntland.
Magacaabistan ayaa salka ku haysa baahida loo qabo dib-u-habayn iyo xoojinta hoggaanka ciidanka Booliska, iyadoo la tixgeliyey aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada saraakiisha la magacaabay.
Qodobka koowaad ee xeerka ayaa lagu magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Booliska Puntland, S/Guuto Cabdulqaadir Jaamac Dirir, iyo hoggaamo kale oo ay ka mid yihiin:
Taliyaha CID-da Puntland
Taliyaha Tababarka iyo Qorshaynta
Taliyaha Hawlaha Booliska
Taliyaha Kormeerka iyo Xiriirka Bulshada
Sidoo kale, Qodobka labaad ayaa lagu magacaabay taliyeyaasha qaybaha gobollada Puntland, sida Mudug, Nugaal, Bari, Karkaar, Haylaan, Sanaag iyo Raas Casayr, iyo ku-xigeennadooda.
Magacaabistan ayaa loo arkaa mid kor u qaadaysa tayada hoggaanka iyo hufnaanta shaqo ee Ciidanka Booliska Puntland, iyadoo la filayo inay door weyn ka qaadato sugidda amniga iyo xasiloonida guud ee Puntland.
Xeerkani waxa uu dhaqan galay kadib markii uu saxiixay Madaxweynaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland.


0 





