DEG DEG: Garsoorka Deegaanka Soomaalida Oo Lagu Dhawaaqay Mid Madax-Bannaan – Hadal Xasaasi ah Oo La Shaaciyey

Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Guud ee Deegaanka Soomaalida ayaa si cad u sheegay in garsoorka deegaanka uu yahay mid madax-bannaan, isla markaana aanu ku milmin hay’adaha kale ee dowladdu ka kooban tahay.
Masuulku waxa uu tilmaamay in si gaar ah xoogga loo saaray isku dheellitirnaanta u dhexeysa madax-bannaanida garsoorka iyo isla xisaabtanka, si loo helo nidaam caddaaladeed oo hufan oo kalsooni bulshada ku dhex leh.
Waxa uu sidoo kale xusay in garsoorayaasha la siiyey tababaro muhiim ah oo la xidhiidha sida ay ugu shaqayn lahaayeen si madax-bannaan, iyaga oo ku go’aan qaadanaya damiirkooda, sharciga dalka iyo kan deegaanka.
Hadalka Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa imanaya xilli ay jirto dadaal lagu xoojinayo hay’adaha garsoorka, si loo hubiyo in caddaaladdu noqoto mid si cadaalad ah loogu adeegayo bulshada.
Arrintan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo nidaam sharci oo adag oo ka madax-bannaan faragelinta hay’adaha kale.


0 





