Taariikh Nololeedka Sheekh Cabdinaasir Xuseen Cismaan (1950–2026)

0
Saturday April 18, 2026 - 16:54:01 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedka Sheekh Cabdinaasir Xuseen Cismaan (1950–2026)

    Sheekh Cabdinaasir waxa uu ardayda kula dardaarmi jiray in ay Alle ka cabsadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cabdinaasir waxa uu ardayda kula dardaarmi jiray in ay Alle ka cabsadaan


May be an image of dais


Sheekh Cabdinaasir Xuseen Cismaan (1950–2026) waxa uu ahaa caalim Soomaaliyeed oo caan ku ahaa tafsiirka Qur’aanka Kariimka iyo baridda culuumta diinta Islaamka.


 

Sheekhu waxa uu kasoo jeeday deegaanka Doollo, hase yeeshee waxa uu ku dhashay magaalada Qulunquul oo ku taalla koonfurta Dhagaxbuur, taariikhdu markay ahayd 15 Ramadaan 1371 Hijriya (1950). Hooyadii waxa la odhan jiray Fadumo Shariif Cumar, wuxuuna ka dhashay qoys si weyn ugu caan ahaa cilmiga diinta.


 

Wuxuu bilaabay barashada Qur’aanka isagoo 7 jir ah sanadkii 1957, balse sanad kadib ayuu aabihii geeriyooday, taas oo ka dhigtay agoon yar. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku dhammeeyey Qur’aanka meel u dhaxaysa Sagag iyo Garbo, kadibna wuxuu bilaabay barashada culuumta shareecada sida Fiqhiga iyo Naxwada.


 

Sanadkii 1963, isagoo 12 jir ah, ayuu u wareegay magaalada Baabili, halkaas oo uu ka sii ambaqaaday barashada diinta, isagoo ka faa’iidaysanayay culimo ay ka mid ahaayeen Sheekh Farayare, Sheekh Cabdiraxmaan iyo Sheekh Muxumed Cirroole. Intii u dhaxaysay 1970–1975, wuxuu si gaar ah ugu dheeraaday culuumta Carabiga.


 

Markii dambe, wuxuu u safray raadinta tafsiirka Qur’aanka iyo xadiiska, isaga oo gaadhay magaalada Diridhaba, halkaas oo uu dadaal dheer iyo safar lug ah ku maray si uu u helo cilmiga uu doonayay. Ugu dambayn, wuxuu tafsiirka ka bartay Sheekh Cumar Cabdilaahi Carab, sidoo kalena wuxuu bartay Sarfiga iyo Mantiqa.


 

Sheekhu wuxuu guursaday sanadkii 1976, waxaana ilmihiisii ugu horreeyay u dhashay 1977. Sanadkii 1980 ayuu u qaxay gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ku noolaa muddo 10 sano ah, isagoo dadka ku noolaa xerada qaxoontiga barayay Naxwada, Sarfiga iyo Axaadiista.


 

Sanadkii 1991 ayuu dib ugu laabtay Wardheer, halkaas oo uu ka bilaabay tafsiirka Qur’aanka. Wuxuu sidoo kale soo maray magaalooyin ay ka mid yihiin Dhagaxbuur, Boosaaso iyo Muqdisho, isaga oo meel kasta ka waday faafinta cilmiga diinta.


 

Ugu dambayn, wuxuu degay magaalada Jigjiga, halkaas oo uu ka dhigi jiray tafsiirka Qur’aanka, kutubta xadiiska iyo culuumta Carabiga, gaar ahaan Masaajidka Bilaal. Wuxuu ahaa nin aad u jecel daraasaynta kutubta, isagoo mararka qaar maalintii dhowr kitaab u dhigi jiray ardayda.


 

Sheekh Cabdinaasir waxa uu ardayda kula dardaarmi jiray in ay Alle ka cabsadaan oo ay bartaan luuqadda Carabiga. Wuxuu sidoo kale caan ku ahaa dadaal, nafhurnimo iyo faafinta diinta muddo dheer oo ka badan nus qarni.


 

Ugu dambayn, Sheekh Cabdinaasir Xuseen Cismaan ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga, isagoo ka tagay dhaxal cilmiyeed iyo arday badan oo sii wada dariiqiisii.


 

Alle ha u naxariisto, Jannatul Firdowsa ha ka waraabiyo.


Loading...
Loading...