Geeri Naxdin Leh: Sheekh Caan ahaa oo 56 Sano Tafsiir Quraan ah Akhrinayay oo Geeriyooday

0
Saturday April 18, 2026 - 16:51:25 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geeri Naxdin Leh: Sheekh Caan ahaa oo 56 Sano Tafsiir Quraan ah Akhrinayay oo Geeriyooday

    Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa nin si qoto dheer ugu xeel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa nin si qoto dheer ugu xeel



Alle ha u naxariisto Sheekh Cabdinaasir Xuseen Cismaan, oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga, ka dib nolol dheer oo uu u huray baridda iyo faafinta cilmiga diinta Islaamka.


 

Sheekha ayaa in ka badan 56 sano si joogto ah u akhrinayay tafsiirka Qur’aanka Kariimka, isaga oo soo saaray culimo badan oo ka faa’iidaystay cilmigiisa iyo juhdigiisa.



 

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa nin si qoto dheer ugu xeel dheer luuqadda Carabiga, kana mid ahaa culimada leh aqoonta durugsan ee lagu xasuusto baridda diinta iyo hanuuninta bulshada.


 

Geeridiisa ayaa murugo weyn ku reebtay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardaydii iyo dadkii ka aflaxay gacantiisa, kuwaas oo ku tilmaamay inuu ahaa macallin iyo hage aan la ilaawi karin.


 

Alle ha u naxariisto Marxuumka, janadii Fardowsa ha ka waraabiyo, samir iyo iimaan na ha ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda uu ka baxay.

Loading...
Loading...