DEG DEG: "Kulmiye Lama Wareejin!" – Wasiir Hore Oo Hadal Kulul Ka Yidhi Xaaladda Xisbiga
Cabdinaasir Maxamed Buuni, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hadal adag ka jeediyey xaaladda xisbiga KULMIYE iyo kala wareegga talada dalka, isaga oo caddeeyey in aan xisbiga la wareejin balse taladii qaranka oo keliya la wareejiyey.
Wasiirkii hore ayaa sheegay in faham khaldan laga qabo arrintaasi, isaga oo xusay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu wareejin xisbiga KULMIYE, balse uu si rasmi ah u wareejiyey hoggaanka qaranka.
"Xukuumadda waxa lagu wareejiyey taladii dalka ee KULMIYE laguma wareejin. Madaxweyne Muuse Biixi xisbiga KULMIYE muu wareejin ee taladii qaranka ayuu wareejiyey,” ayuu yidhi Cabdinaasir Maxamed Buuni.
Waxa uu sidoo kale ka digay in lagu ciyaaro nidaamka xisbiyada, isaga oo sheegay in nabadgelyadu ku xidhan tahay ixtiraamka sharciga iyo nidaamka dalka.
"Ma waxaad moodaysaa haddii xisbiga KULMIYE lagu ciyaaro in nabaddu jiraysaa? Maya, nabaddu waxay ku jirtaa sharciga oo la ixtiraamo,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Hadalka Wasiirkii hore ayaa imanaya xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka xisbiga KULMIYE iyo kala wareegga talada dalka, taas oo si weyn u soo jiidatay indhaha bulshada iyo siyaasiyiinta.


0 





