DEG DEG: Khilaafka KULMIYE oo Maraya Meel Xasaasi ah – Go'aan 14 Maalmood Gudahood ah

0
Saturday April 18, 2026 - 16:42:30 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Khilaafka KULMIYE oo Maraya Meel Xasaasi ah – Go'aan 14 Maalmood Gudahood ah

    "Maanta waa maalintii garmaqalka dacwadda, waxa ka dambayn doonta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maanta waa maalintii garmaqalka dacwadda, waxa ka dambayn doonta



Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Axsaabta Qaranka Somaliland, Mudane Siciid Cilmi Siraadle, ayaa shaaciyey in maanta si rasmi ah loo dhageystay garmaqalka dacwadda u dhexeysa garabyada xisbiga KULMIYE.


 

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in marxaladdan ay tahay mid muhiim ah, isla markaana ay ka dambayn doonto in guddigu si qoto dheer uga fadhiisto falanqaynta dacwadda, si loo gaadho go’aan kama dambays ah.



 

"Maanta waa maalintii garmaqalka dacwadda, waxa ka dambayn doonta in guddigu ka fadhiisto dacwaddii, muddo 14 casho gudahood ahna lagu soo saarayo go’aankii dacwadda,” ayuu yidhi Guddoomiye Siciid Cilmi Siraadle.


 

Guddiga ayaa ballan qaaday in go’aanka kama dambaysta ah ee khilaafka lagu soo saari doono muddo 14 maalmood gudahood, taas oo si weyn loo sugayo, maadaama ay saameyn ku leedahay mustaqbalka iyo midnimada xisbiga KULMIYE.


 

Arrintan ayaa imanaysa xilli khilaafka xisbigaasi uu noqday mid si weyn u soo jiitay indhaha bulshada iyo siyaasiyiinta dalka, iyadoo la filayo in go’aanka guddigu noqdo mid go’aamiya jihada uu qaadi doono xisbiga.

Loading...
Loading...