DEG DEG: Xukuumadda Somaliland oo Go'aan Muhiim ah ka Qaadatay Dadka Baahiyaha Gaarka ah

0
Saturday April 18, 2026 - 15:31:53 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Xukuumadda Somaliland oo Go'aan Muhiim ah ka Qaadatay Dadka Baahiyaha Gaarka ah

    "Siyaasadda Madaxweynaha iyo Xukuumaddaba kow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Siyaasadda Madaxweynaha iyo Xukuumaddaba kow


Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa si cad u shaaciyey in siyaasadda Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland ay mudnaan gaar ah siinayso dadka baahiyaha gaarka ah qaba, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid saldhig u ah horumarka iyo cadaaladda bulshada.


 

Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey in xukuumaddu ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah, isla markaana la diyaarinayo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu xoojinayo ka-qaybgalka bulshada iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah.



 

"Siyaasadda Madaxweynaha iyo Xukuumaddaba kow bay ka tahay in dadka baahiyaha gaarka ah qaba mudnaan la siiyo,” ayuu yidhi Barkhad Jaamac Batuun.


 

Wasiirku waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadaalladaasi ay qayb ka yihiin qorshe ballaadhan oo lagu xaqiijinayo in bulshada oo dhan si siman uga faa’iidaysato adeegyada iyo fursadaha dalka, iyadoo aan cidna laga tegin.


 

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayso baahida loo qabo daryeel iyo taageero loo fidiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si ay uga mid noqdaan horumarka guud ee dalka. 

Loading...
Loading...