Guddoomiyaha Axmed Macallin Haaruun: "Degmadayadu dugsi sare ma lahayn, maanta dhulkii waanu bixinnay"
Guddoomiyaha Degmada Axmed Macallin Haaruun ee magaalada Hargeysa, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Kofindha), ayaa sheegay in degmada uu hoggaamiyo ay muddo dheer ka maqneyd dugsi sare, taas oo ahayd baahi weyn oo dhanka waxbarashada ah.
Guddoomiyuhu waxa uu muujiyey farxad ku aaddan tallaabada lagu bixiyey dhulkii laga hirgelin lahaa dugsiga sare ee degmada, isaga oo tilmaamay in arrintani tahay horumar muhiim ah oo wax ka taraya baahida waxbarasho ee bulshada.
"Degmada Axmed Macallin Haaruun ee aan guddoomiyaha ka ahay malaha wax dugsi sare ah. Maanta waan ku faraxsanahay in dhulkii laga dhisi lahaa aanu bixino,” ayuu yidhi Guddoomiye Maxamuud Cabdi Xasan (Kofindha).
Waxa uu intaa ku daray in hirgelinta dugsigan sare ay door weyn ka qaadan doonto kor u qaadista fursadaha waxbarasho ee dhallinyarada degmada, isla markaana ay yareyn doonto culayska ka jira helitaanka waxbarashada heerka sare.
Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu xusay in bulshada degmada ay si weyn u soo dhoweyn doonto mashruucan, maadaama uu yahay mid wax ka beddeli doona mustaqbalka waxbarasho ee jiilka soo koraya.


0 





